Laba gabdhood oo Soomaali ah oo walaalo ahaa oo lagu dilay dalka Canada

0
349

Laba gabdhood oo walaalo ahaa oo Somali Canadian ah ayaa waxaa meydkooda laga helay guri ay ka daganaayeen magaalada Ottawa ee dalka Canada, sida ay shaacisay laanta danbi baarista Booliska ee dalka Canada.Booliska ayaa laga soo wacay guri ku yaala jidka McCarthy Road, abaarihii sagaalkii fiidnimo ee habeenkii Jimcaha sida uu sheegay Booliska, kadib markii la helay maydka labadan gabdhood oo da’dooda lagu kala sheegay 29 iyo 32-sano oo Soomaali ah.

Labadan gabdhood oo isla dhashay ayaa lagu kala magacaabi jiray, Asma C/raxmaan iyo Nasiibo C/raxmaan ,waxaana dilkooda loo xiray nin dhalinyaro ah oo la sheegay in lagu qabtay goob aan wax badan ka fogayn halka uu shilkani ka dhacay.

Ninka la qabtay ayaa xirnaa dhar mad-madow waxaana la sawiray isaga oo labadiisa gacmood kula jira jeebabkiisa shan iyo toban daqiiqo ka dib markii uu Booliska soo gaaray halka laga soo wacay.

Qof kale oo isna dhalinyaro ah ayaa la qabtay 10 daqiiqo kadib, waxaana la arkaayay isaga oo wajiga dhulka loo dhigay, isla markaana gacmaha ka xiran ,xilli tiro Boolis ah la keenay halka uu dilkani ka dhacay.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen inay weli Baaritaano ku waadan sida uu ku dhacay dilka loo geystay labadan Gabdhood ee Somalida ah.

war sugan news burco oficece