US: SHIINAHA OO DOON QUUSTA KA QABSADAY MAREYKANKA IYO TRUMP OO KU BAAQAY IN LOO DAAYO

0
383

Khamiistii lasoo dhaafay ciidamada badda Shiinaha ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen doon yar oo badda hoosteeda ku socota taas aheyd nooca darwal la`aanta ah islmarkaana laga lahaa dalka Mareykanka.
Doontan ayuu Mareykanku sheegay in aheyd mid cilmi-baaris waday islamarkaana ku sugneyd biyaha caalamiga ah ee dhanka koonfureed ee badda Shiinaha.
Arrintan oo xiisad dhanka diblomaasiyadda ah dhalisay ayaa waxaa soo farageliyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump kaas oo bartiisa twitterka soo dhigay qoraal oo ku eedeynayo Shiinaha tuuganimo iyo xatooyo doon nooca Drone-ka ah.

” – Waxaa nala gudboon in aan shiinaha u sheegno in aanan u baahneyn doontaasi ay xadeen, ayna iska qaadan karaan”, ayuu ku yiri qoraalkiisa twitterka Mr. Trump.

Si kastaba, Shiinaha ayaa sheegay in uu dib u celinayo doontaasi, wuxuuna ku eedeeyay Mareykanka in ayna ka badbadiyeen qabashadeeda doonta.

war sugan burco