Loolanka UCID: Boqor Buurmadow Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Khilaafka Mas’uuliyiinta UCID

0
383

Loolanka UCID: Boqor Buurmadow Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Khilaafka Mas’uuliyiinta UCID

Hargeysa(Warsugannews)Loolanka UCID: Boqor Buurmadow Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Khilaafka Mas’uuliyiinta UCID
“Qoodhiyo Xero Mujaahidku [Cali-Gurey] Markuu Doono Ha Iska Af Xumaadee Waa Aqoonyahan” Buqur Buumadow.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Burrmadow), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murrashax Jamaal Cali Xuseen, isagoona sidoo kale boqorku bogaadiyay hadal uu yidhi Muj.Cali Guray oo oo isna ka hadlayay khilaafka labadaas masuul.

Boqor Buurmadow oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay degelka xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxaa uu sheegay in xeel dheeraha dhinaca siyaasadda ee xisbiga UCID ku jiraa uu yahay keliya Muj. Cali Gurey oo sida laga war qabo ay marar badan isaga [boqorka] laftiisa weerarro siyaasadeed hawada isu mariyeeen Cali.

Related: Loolanka UCID: “Anigu mar walba waxay ahayd wax aan filayay in dhamaadka khilaafka Kulmiye uu noqonayo bilawga khilaafka UCID” Cali Guray.

Buur Madaw waxaa uu sheegay in uu aragti ahaan ay isaga uga soo dhex baxday eedahaas ay Faysal iyo Jamaal hawada isu mariyeen mid aan waqtigeedii taagnayn balse uu xalkoodu ku xidhan yahay Muj. Cali Gurey oo uu xujo uga dhigay sida uu u dhex galo labadaas mas’uul. Qoraal Cismaan Aw Maxamuud oo koobnaa waxaa uu ku bilaabmay sidan:

“Waxaan maanta [shalay] dheehday qoraal uu Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) kaga hadlayay khilaafka cakiran ee u dhexeeya guddoomiyaha iyo musharraxa UCID Eng. Feysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, kaasi oo u muuqda in uu faraha ka baxay” sidaa ayuu yidhi Buur Madaw waxaana uu intaa ku daray “Haddaba Aniga qiimayntayda waxa hadalkaas iiga soo baxay in siyaasiga ama xeel-dheeraha siyaasi ee ku jira xisbiga UCID uu yahay Cali-Gurey.

[Waayo] Abwaankii waxaa uu yidhi ‘ Berrina ha la aasee nin raga baqaskii waa ceebe’. Kolkaa Mujaahidku markuu doono ha iska af xumaadee, Qoodhiyo Xero waa Aqoonyahan. Kolka aanu is yeelyeelayn. Bal wuu taliyey labada odayna [Jamaal iyo Feysal] wey isku fiican yihiin [cali-Gurey ahaan] ee aynu eegno sida uu wax u maareeyo ama isugu soo dhaweeyo ama u kala raaco”. Ayuu Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow qoraalkiisa ku soo xidhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here