Sunderland Oo Daan-daamisay Newcastle United ka dib markii ay 3:0 ku caraabisay

0
383

Sunderland Oo Daan-daamisay Newcastle United ka dib markii ay 3:0 ku caraabisay

Hargeysa(Warsugannews)Sunderland ayaa kor ugu soo ruqaansatay kaalinta ugu saraysay saddexda kooxood ee ugu hooseeya horyaalka England kadib markii ay guushii ugu horeysay ee Premier League sanadkan ka gaadhay naadiga daalaa dhacaya ee Newcastle, oo casaan lagaga saaray Fabricio Coloccini.

Kubadii rigoodhaha ahayd ee uu shabaqa ku ruxay Adam Johnson ka hor dhamaadka qaybtii hore ee ciyaarta, kaas oo ku yimid khalad uu sameeyey Coloccini kaadhka casaanka ahna uu ku mutaystay, ayaa ciyaarta gebbi ahaan wax badan ka bedelay.Sunderland 3-0 Newcastle —

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaanay laba gool oo kale ka daba geeyeen ciyaaryahanada Billy Jones iyo Steven Fletcher, kuwaas oo u horseeday Sunderland inay ka gaadho New Castle guul aanay u qalmin.Sunderland 3-0 Newcastle –

Guushan ayaa ka dhigaysa xidigaha tababare Sam Allardyce inay kala saraynta horyaalka saddexda ugu hooseeya ka kor marto Newcastle oo ay goolal tirsiga kaga hayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here