Mane Oo Meesha Ka Saaray Guushii Koobaad ee Tababare Klopp Liverpool Gaadhsiiyo

0
590

Mane Oo Meesha Ka Saaray Guushii Koobaad ee Tababare Klopp Liverpool Gaadhsiiyo
Sadio Mane dhamaadkii ciyaarta gool bareejo ah oo uu u dhaliyey Southampton ayaa meesha ka saaray tababare Jurgen Klopp guushii ugu horeysay horyaalka ee uu Liverpool u horseedo intii uu la wareegay.
Kooxda martida loo ahaa ayaa iska maamulanaysay ciyaarta garoonkeeda Andield lagu ciyaarayay, hogaankana u qabatay markii uu madax shabaqa ku ruxay Christian Benteke kubad uu dhinaca midig ka soo jebiyey James Milner.

Laakiin, ciyaarta oo afar daqiiqo oo qudh ahi ka hadhsan tahay, Mane ayaa wixiiba meesha ka saaray oo sanqadh la ka dhigay garoonkii damaashaadayay kadib markii uu ku weeciyey kubad dhinaca laga soo jebiyey oo ka soo dhex baxday goolwade Simon Mignolet iyo James Milner.Mane Oo Meesha Ka Saaray Guushii Koobaad ee Tababare Klopp Liverpool Gaadhsiiyo –

Ishii taageerayaasha Liverpool, waxay galaafatay ninkii goolka ka dhaliyey ee Mane oo kaadhka casaanka ah ciyaarta lagaga saaray kadib markii uu daqiiqadii ugu dambeysay kaadhkii labaad oo huruud ah qaatay.

Barbar dhacani wuxuu naadiga lagu naanayso ‘the Saints’ kor ugu soo qaaday kaalinta siddaad, halka Liverpool ay kor ugu ruqaansatay iyaduna kaalinta sagaalaad iyo 14 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here