Maxaynu ka Faa’iidnay Garnaqsigii Fagaaraha Wadahadalka? Cumar Maxamed Faarax 

0
206
Maxaynu ka Faa’iidnay Garnaqsigii Fagaaraha Wadahadalka?
Cumar Maxamed Faarax
Wax badan oo aynu ka baranay ayaa jira. Kuwaas oo u baahan in fursado loo beddelo.Waa bilowgii guul aynu Madal markhaati leh ka gaadhnay, hasayeeshee ma dhowa xilligii aynu foolladeyn laheyn natiijada tacabkeenna ku wajahan wadahadallada aynu la leenahay Soomaaliya.
Weftigii uu Hoggaaminayey Madaxweynuhu kumay margan, islamarkaana may marin habaabin yoolkeelkii Jamhuuriyadda Somaliland iyo ujeeddadii aynu ka lahayn guud ahaan wadahadallada aynu la yeelanay Soomaaliya.
Inay ahaayeen waddaniyiin xambarsan Qaddiyaddooda oo dhinac kasta ka diyaar ah, ayaa lagu majeertay. Waxaa la qiray inay ka wanaagsanaayeen dhinicii Soomaaliya ee la doodayey oo cajalladu kaga go’day inay yihiin dowlad la aqoonsan yahay.
Haddii aan tusaale u soo qaato qormo uu qoray Yuusuf Garaad ayuu si mixnadi ku jirtay uga markhaati kacay in labada ergo aanay isku dhoweyn, marka la eego afkaarta dhinac kastaa la shir tagay iyo shakhsiyaadka la soo safayba.
Wuxuu Yuusuf Garaad uu si dadban ergadii metaleysay dalkiisa ugu sawiray ra’yul-caamka inay ahaayeen “Jaabo-jaabo” oo kale. Qormadaas is muujinta ahayd ee oday Yuusuf waxaa calooshiisa ku jirtay inuu jeclaysanayey inuu qayb ka noqdo Wadahadalkaas.
Wuxuu duray xaqnimadda Qaddiyadda Madaxbannaanida Somaliland oo uu caddeystay xumaatada uu uurka ugu hayo, afkase uu ku bayaamin waayey.
Wuxuu ahaa tirtirsi aragti wax kala fogeynaysa ku saleysan oo ah wixii Guddidii farsamo ee Dawladda Muqdisho ay madasha la soo fadhiisteen afartii maalmood ee lagu jiray wadahadalkii Madaxweyne Geelle martigeliyey.
Khudbaddii Madaxweyne Biixi waxay aheyd mid wax ka beddeshay fikirkii martigeliyayaashii iyo korjoogtadii caalamiga aheyd oo wararku tibaaxeen inay hore ugu middeysnaayeen in Somaliland lagu jiifsado. Hase ahaatee, markii golihii la yimid waxay dareemeen sida aanay Qaddiyadda JSL u ahayn mid lagu safaadi karo. Waxay arkeen in aanay Somaliland iyo Soomaaliya xaalkoodu ahayn; Sida marka la heshiisiinayo Muqdisho iyo Kismaayo.
Qodobbadii isafgaradka laga soo saaray waxay u bateen qaar ka dhashay dooddii Madaxweyne Muuse Biixi iyo garnaqsigii Guddidii farsamo sida arrimaha la xidhiidhay Gargaarka iyo Hawada.
Qodobbada qaarkoodna waxay tusmaynayeen in laga hortagey sidii looga baaqsan lahaa in wadahadalku burburo, taasi oo tacab khasaar ku ahayd dalkii gogosha dhigay iyo dhinacyadii kale ee gacan siiyey!
Soo Dhaweyntii Madaxweynaha:
Khamiistii Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii waxaa loogu soo dhaweeyey Hargeysa si aan kala-hadh laheyn, waxana kumanaan qof xamaasadeysani ay soo dhaweyntiisa u tubnaayeen Madaarka illaa qasriga madaxtooyadda.
Waxaa shacabku bilaabeen taageerada 14kii June oo ahayd maalintii wadahadalka labada dal ka furmay Jabuuti oo Madaxweyne Muuse ka jeediyey khudbad aad loogu guuxay oo sababtay in Gobollada JSL oo dhan laga bogaadiyo Weftigiisa. Waxa aan la hilmaami karin muwaadiniintii Saxaafadda bulshada sida adag ugu difaacayey Qaddiyadda Qaranimadooda, kuwaasi oo ku diirsaday dooddii Weftigii Madaxweynaha.
Waxaa shacabku ay u arkeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu ficil u beddalay siduu ugu filan yahay inuu fagaare kasta ka difaaci karo Madaxbannaanida lama taabtaanka ah ee JSL.
Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xilli labadii xisbi mucaarid ee wakhtigiisii KULMIYE iyo UCID iyo siyaasiyiin kale oo mucaarid ahaa oo aad ugu talax-tagay ayuu ugu jawaabay; “Waxaan saaxiibbadayda mucaaridka ah leeyahay ‘la kala hadha Daahir Rayaale iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo inta aad Rayaale wax ka sheegaysaan Somaliland wax ha u dhiminna. Daahir wakhti baa la doortay oo wuu iska tagiye.”
Waxaan uga socdaa adigoo diidan Muuse Biixi yaanay ku geyaysiin inaad muwaadin badheedh ama ku talogal la’aan aad wax ugu dhinto dalkaaga, kana hagrato wax karaankaaga ah. Siyaasadda Qaranimadeena aan ku iibgeyn gaynaynaa ha noqoto inaynu wada noqono safiirro aanay ciddi diran oo sida aynu shacab ahaan ugu middowno Qaranimadeenna, si la mid ah aynu u taageerno Xukuumadda. si marka ay khaldan tahay ay inoogu sahlanaato inay dhaliisha iyo talooyinku ka daadegaan.
Maxaa la Gudboon Xukuumadda:
Waxa Xukuumadda Somaliland u yaalla hawl culus oo ah inay khibradda ay ka heshay kulankan u dambeeyey sii xoojiso oo ay saddexda Guddi Hoosaad ee la saarayo u talo badsato, kuna darto cid kasta oo waayo aragnimo, aqoon iyo Waddaniyad lagu tuhmayo, iyadoo aan loo eegin xisbiyo iyo ardaayo midna.
Waxa kaloo, muhiim ah inay ku dedaasho sii adkaynta midnimada Jamhuuriyadda Somaliland, In ay gacan walaalnimo u fidiso oo ay hanato siyaasiyiinta aan Somaliland la jirin ee ka soo jeedda Gobollada Sanaag barri Buuhoodle iyo Sool.
Waxa daruuri ah in la isku baraarujiyo wax wada lahaanshaha islamarkaana siyaasadda iyo dhaqanka Xukuumadda ay ka muuqato siday arrintaas u danaynayso iyo in la sii taabogeliyo maamul-fidinta Gobollada barri iyo adkeynta nidaamka Caddaaladda ee dhinaca ka faa’iideysiga khayraadka iyo mashaariicda dowliga ahba oo laga xarimo dheelliga.
Ugu dambeyn, waxaan qabaa in siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland dhidibbo adag iyo saaxiibbada caalamiga ahna la badiyo, iyadoo mudnaanta ay leedahay la siinayo sidii ay aynu u axadhi laheyn inaynu aqoonsi la’aan sii jiri karno rubuc qarni kale, iyadoo laga duulayo durufta ay mahadisay Taiwan oo kale!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here