Sir Aex Ferguson: “De Gea Iyo Neuer Waa Labada Goolhaye Ee Dunida Ugu Fiican”

0
386

Sir Aex Ferguson: “De Gea Iyo Neuer Waa Labada Goolhaye Ee Dunida Ugu Fiican”

Hargeysa(Warsugannews)Halyeygii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in goolhayeyaasha Manuel Neur iyo David de Gea ay yihiin labada dunida ugu wanaagsan.

Goolhayaha Munich iyo Germany waxaa la qabaa in uu yahay kan ugu wanaagsan dunida halka uu sannadkii hore abaal-marrinta Ballon d’Or booska 3-aad uu ka galay. De Gea dhinaca kale waxa uu ku guuleystay goolhayaha ugu wanaagsan Premier League isaga oo ka soo muuqday kal hore shaxdda xilli ciyaaredka ee Premier League.

“Neuer iyo De Gea waa labada goohaye ee ugu wanaagsan dunida” ayey ka soo xigatay Kicker. “Welliba si baaxad leh”. “Gudaha garoonka waxaad ku haysaa Ronaldo iyo Messi goolkana Neuer iyo De Gea” ayuu sii raaciyey.

Ferguson waxa uu isku dayey in uu sannadkii 2011-kii uu la soo wareego Manuel Neuer ka hor inta aanu heshiis la gaadhin David De Gea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here