“Ta labaadna Muuse Biixi qaar baa mooday inaanu Col ahayn ee Col ma nihin”

0
356

“Ta labaadna Muuse Biixi qaar baa mooday inaanu Col ahayn ee Col ma nihin”
“Markaa Muuse Biixi waxaa na Mideeya Axmed Siilaanyo”

“Xuseen Axmed Caydiid Waxaan xasuus-nahay isagoo xabeebsan oo qaylinaya oo lahaa madasha wada tashigu waa qayro sharci,nasiib daro qodobadii maanta isagay hayaan”

“Rag badan oo Kooxdaas ah oo Saaxiibaday ahna waanu wada hadalnay waxaanu ku wada hadalnay waa talo wanaagsan oo xisbiga Kulmiye lagu dhisayo”

Hargaysa (Warsugannews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa jawaabo ka bixiyey su’aalo ay Warbaahintu weydiisay oo ku saabsan Xisbiga Kulmiye iyo Xaalada Guud ee dalka.

Wasiir Cukuse Wuxuu Sharxay hadal uu hore u Jeediyey oo uu ku sheegay in Xisbiga Kulmiye uu yahay Murashax Muuse Biixi uguna baaqay dadka Cusub ee Soo Galayaa inaanay ku dhego barjoobin “ Wixii aan idhi wuxuu ahaa oo aan ku celinayaa ragiina Cusubi waxaad Maqli doontaan dhawaaqyo tiro badan,Laakiin ha ku dhego barjoobina Xisbigii Waa Muuse uun, Macnaheeduna Wuxuu ahaa Waxaas uu Xuseen Axmed Caydiid Sheeganayaa Waxba ma ahaa ee Ha ku wareerina Xisbiga Kulmiye Mid uun weeye,Raga Waaweyn ee aanu saaxiibada ahayn ee Maantana aanu Saaxiibada nahay,ee Sharafta lahaa ee aanu Xukuumada ka wada tirsanayn,Lexejeclada ay Xisbiga u hayeen May odhan waanu ka tagnay,Laakiin Xisbiga Kulmiye ma noqonayo Garabyo is garab yaaca ma noqonayo.

Anigu waxa ugu weyn ee aan sharfo ee aan Ixtiraamo ee Maanta Somaliland Joogaa Waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Mudo dheer oo Cimrigayga ka mid ah aan ahaa dadkii Taageersanaa ee la shaqaynayay,afhayeena aan u ahay darajo kasta oo ay tahayba.

Labadii derajo ee uu Madaxweynuhu hayay labadiiba Wuu hibeeyay,Midi Waxay ahayd Gudoomiye-nimadii Xisbiga ka kalena Wuxuu ahaa Murashaxnimadii uu Xaqa u lahaa ee Xisbiga Kulmiye, Madaxweynuhu Hibayntaa uu hibeeyay iyo Codayntii uu u codeeyay Muuse Biixi .

Muuse Biixi Wuxuu labadaas darajo ku qaatay Laba Madalood oo waaweyn Midi waxay ahayd Shirweynihii Xisbiga oo uu Gudoomiyihii Xisbiga Kula Wareegay ka kalena Wuxuu ahaa Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu ku Noqday Musharaxa Sannadka soo Socda Xisbiga Kulmiye u taagan.

Wasiir Cukuse oo hadalkiisa Sii wata ayaa waxa uu Yidhi “Dalkeena waxaan doonaynaa inaynu dimuquraadiyad ku hagno oo ummadeena u horseedno inay dariiqaas wanaagsan raacaan,anigu waxaan ka mid ahaa ragii ka codeeyay Muuse Biixi,Ragii aan u Codayn lahaa may joogin Madashaba,Marse hadii la codeeyay oo Sadex boqol iyo Lixdan cod oo aqlabiyad weyn ahi uu Xisbigii ku doortay Muuse Biixi anigu waxaan ka mid ahaa intii tirada yarayd ee Ka aamustay amase ka hor timid,Waxaa markaas qasab ah oo hannaanka dimuquraadiyadu I farayaa inaan u hogaamsamo Codka inta badan ee Xisbiga oo aqlabiyadii ah.

Wasiirka Warfaafintu Wuxuu Cadeeyay in aanay Jirin Wax Xafiiltan ah oo u dhexeeya Isaga Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Waxaanu Yidhi “Ta labaadna Muuse Biixi qaar baa mooday inaanu Col ahayn ee Col ma nihin,Meel aanu ku colownay ma jirto Saaxiib-baanu nahay, Qaar faro badan oo ay isu dhow yihiina waxaa laga yaabaa inaanu anagu isaga dhow nahay,Markaa Muuse Biixi waxaa na Mideeya Axmed Siilaanyo,Waanu Nool yahay Waana Madaxweynihii dalka,Halka Axmed Siilaanyo Maro inaan marayana qof kastoo aniga I yaqaanaa Wuu garanayaa”

Wasiir C.laahi Cukuse Wuxuu si adag u naqdiyey hadalo ka soo Yeedhay Wasiirkii Hore ee Wasaarada Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid Waxaanu sheegay in aqoontii Sharci ee Xuseen Axmed Caydiid inay Isaga Maanta haysato Waxaanu Yidhi “Xuseen Axmed Caydiiid Wuxuu sheegtaa inuu Sharciga Yaqaano Waxaan anigu ka hadlayaana waa Masalo sharci,Waa Nasiib daro inuu fahmi kari waayo wixii uu Isagu shalay sharxi Jiray, waxaan xasuus-nahay Marar faro badan oo isagoo xabeebsan oo qaylinaya lahaa madasha wada tashigu waa qayro sharci,qodobka hebel iyo qodobka hebel ayaa tilmaamaya,Isagaa Odhan Jiray anaguna waxaanu eegi jirnay inuu sharciga yaqaano isagoo Jaamacada Hargaysa ku bartay waxaanu odhan Jirnay Sharciguu yaqaanaa oo qodobadii ayaanu xafidnayba,nasiib daro qodobadii maanta isagay hayaan Wuxuu afhayeen u yahay Madal kale oo Cusub oo Kuwaasi dibada ayaabay Joogeene “Madasha Wada Tashiga” Kuwani waa kuwo ka dhex jira Xisbi dhexdii,Xisbigu afhayeen ayuu leeyahay Gudoomiye ayuu Leeyahay,Musharax ayuu leeyahay Sidaa darteed ma Jirayo afhayeen kale oo aan sharci lahayn.

Wasiirka Warfaafintu Waxaa kale oo uu sheegay in Xuquuqda Distoorku dadka u damaanad qaaday inay ka mid tahay inuu Sadexda Xisbi ee Jira Mid ka Mid ah ku Biiro “Xisbiga Kulmiye qofkii doonayaa xaq buu u leeyahay inuu ka mid ahaado, Qofkii aan doonaynse intuu ka tago labada xisbi ee kale ee Sharci ah oo dalku leeyahay ayuu ku biirayaa oo codkiisa gaynayaa,Waxaanse ka xumahay oo kale oo aan raali gelinayaa raga waaweyn ee aanu saaxiibada nahay ee aanu ahaan doono ee xukuumada aanu ku wada jirnay ee aad moodo inay naanays wada sheeganayaan,ragaas waan ka xumahay Lexejecladii aan u hayayna waan u hayaa rag badan oo Kooxdaas ah oo Saaxiibaday ahna waanu wada hadalnay waxaanu ku wada hadalnay waa talo wanaagsan oo xisbiga Kulmiye lagu dhisayo.