War degdeg ah: Nin Caan ah oo watay koox Hubaysan ayaa Xalay Weerar ku qaaday Saldhiga Qudhac dheer kana geystay qasaare

0
615

Hargeysa(WSN)Xalay saqbadhii dhexe waxa weerar lagu qaaday saldhiga qudhac dheer oo ka mid ah saldhigyada caasimada Hargeysa, weerarkaasi oo uu geystay nin watay koox hubaysan, waxaanu toogasho ku dhaawacay taliyihii saldhiga qudhac dheer iyo askarigii ilaalada u ahaa oo wakhtigan lagu dawaynayo cusbitaalka hargeysa.

Ninka weerarka geystay oo lagu magacaabo Yuusuf Cismaan Xuseen (Daanyeero) ayaa isagu ah gaashaanle ka tirsan ciidan laanta Socdaalka Somaliland Balse lama garanayo ilaa hadda waxa ku kelifay isagoo sharciga la tiigsan kara wixii tabasho ah inuu weerar ku qaado saldhig uu isagu amar siin karo askarta ku sugan madaama uu ahaa sarkaal ka mida ciidamada qaranka Somaliland, wakhtigana gacanta laguma hayo isaga iyo kooxdii weerarka geysatay in kasta oo ciidamada amaanku ay ku daba jiraan kooxdaas, mar aanu isku daynay in aan warar dheeraada ka helno ciidamada booliska nooma suuro gelin in aanu cid ka helno.

Arrintan ayaa dabada ku haysa ka dib markii la sheegay in la iibiyey goob ka mid ah laamiga taga wadada Airportka hargeysa ama astaankii ay somaliland caanka ku hayd ee uu dhisay maayarkii hore ee cawl cilmi cabadalle taas oo uu ka taagay agagaarka Baane Hotel Agtiisa Astaantaasi oo ahayd gacan haysa Khariirada Somaliland, qof kasta oo soo degaana uu sawir ka qaadan jiray balse mudooyinkii u danbeeyey ahayd mid ay dayacday dawlada hoose ee hargeysa dadkuna ya ka dhigeen goobo gacansi oo aan u fiicnayn bilicda caasimada hargeysa. Balse waxa la yaab noqotay markii laga iibiyey Shirkada Star oo la sheegay inay ka dhisayso goob ganacsi, iibkeeda ayaan weli lagu eedayn karin hawlaha guud iyo Dawlada hoose midka iibiyey hase ahaatee dib ayaanu idinka soo sheegi cida ay ku baxday goobtaasi kala soco warsugannews wararka ka soo kordha arrintaasi

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
warsugan15@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office