Wargeyska Caanka Ah Ee New York Times Oo Kashifay Farmaajo

0
322

Warbixin dheer oo Wargeyska New York Times, ka qoray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda Somalia ee wakhtigan iyo xiisadda siyaasaddeed ee ka dhalatay muddo kordhintii loo sameeyey.

Qayb ka mid ah warbixintan oo xiiso lahayd, ayaa ku saabsanayd dhacdo ka turjumaysa hoggaaminta Farmaajo, taas oo ka dhacday Magaaladii uu deganaa ee Buffalo ee gobolka New York.

Wargeyska oo ka warramayey Dhacdadan, waxa uu yidhi: “Dhowr ka mid ah
hoggaamiyayaasha Soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in 2007, uu muran xooggan ka dhex qarxay jaaliyadda Soomaalida ee Buffalo ee uu hoggaaminayey Farmaajo. Waxaa dhammaad ahaa laba sano oo Farmaajo loo doortay hoggaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda ayaa ku eedeeyey inuu isku dayey inuu xukunka kusii dhegnaado isaga oo wax kala qiyaameynaya.”

Xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka, oo codsaday inaan magacyooda la shaacin si uusan u xumaan xidhiidhka ay la leeyihiin qoyska Farmaajo, ayaa intaas ku daray in murankaas uu horseeday in jaaliyadda ay u kala jabot laba garab,

Sheekada ku saabsan arrintan Jaaliyadda ayaa horey marar badan waxaa loogu soo qoray baraha bulshada, hase yeeshee warbixinta New York Times ayaa ah markii ugu horreysay oo ay warbaahin sumcad leh ay arrintan kashifto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here