Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr.Sacada Ali Shire ayaa furay kulankii 2aad ee danjiryaasha u somaliland u fadhiya dalalka dibeda oo Hargeis lagu qabta + Sawiro

0
398

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr.Sacada Ali Shire ayaa furay kulankii 2aad ee danjiryaasha u somaliland u fadhiya dalalka dibeda oo Hargeis lagu qabtay…

Hargeysa(WSN) Danjireyaasha Somaliland u jooga dibada ayaa kulan uga furmay Magaalada Hargeysa, kaasi oo la isku waydaarsanayo xogta hawlaha ay qaranka u hayaan. Waxa kale oo loo jeedinayaa aqoon korodhsi ku saabsan shaqadooda. Safiirro cusub ayaa ka mid ah danjireyaasha Somaliland u jooga dibadda, waxaana ujeedka kulankan lagu sheegay mid aqoonta safiirrada kor loogu qaadayo. Wasiirka arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire ayaa sharraxay ujeedada kulankan labada maalmood soconaya “ Sababta aynu kulankan u yeellanay waa inaynu isu nimaadno sanadkiiba hal mar oo aynu iska waraysanno xaaladda arrimaha dibadda, siyaasadda iyo qorshahaba. Waxa kale oo jirta in dhawaan safiirro loo magacaabay dalal muhiim inoo ah, kuwaas oo loo baahan yahay in shaqadooda lagu tababaro,”ayuu yidhi wasiir Sacad. Wasiirka khaarajiga ayaa sheegay in loo baahan yahay aqoon korodhsi xilli walba “Waxaynu leenahay dhaqan aad mooddo inuu ka soo horjeedo wax korodhsiga oo qofka haddii la yidhaa tababar baad qaadanaysaa macnaheedu maaha inuu u qaato waxba garan maysid. Qof aqooni ku dhan tahay ma jiro, xilli qofku aqoonta dhammeeyaana ma jirto. Anigaygaa wasiirka ah ayaa u baahan aqoon korodhsi. Aqoonta wasiirku u baahan yahay waxaa ka mid ah mid hoggaamineed, mid maamul shaqaale iyo dhaqaale, maamul wakhti, shuruucda, qorsheyaasha iyo arrimo badan oo kale,” ayuu yidhi wasiirku. Dr Adna Aadan Ismaaciil, ayaa safiirrada kula dardaarantay in Somaliland leedahay cadow fara badan oo ka xun horumarka ay gaadhay “Dad baa ka xun halka aynu taagganahay oo jecel inay dib kuugu celiyaan halkay kaaga tageen, dilkii, xasuuqii iyo xumaantii. Dad baan wax kaleba qaban oo boqolaal milyan oo farriimo ah idiinka horraysiiya dalalka aad u tagaysaan, oo leh kuwii gooni u goosadka ahaa ee Somalia ka midka ahaa baa idiin imanaya, kuwii shuftada ahaa ee na kala goynayay ayaa idinku soo socda, markaa sida kuwaasiba heeganka ugu yihiin caqabadayntaada, lugo jiidkaaga iyo hoos u soo rididaada, waa inaa idina heegan ugu ahaataan dalalka aad la joogtaan sidaad farriimaha u gaadhsiin lahaydeen, ee markasta u xasuusin lahaydeen inaynaan ahayn gobol Somalia ka go’aya,” ayay tidhi Marwo Adna Aadan. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa bilaabay aqoon kordhinta hawl wadeennada arrimaha dibada iyo safiirrada markii xilka loo dhiibay dabayaaqadii sanadkii hore. Kulankan oo ah kii labaad ayaa imanaya muddo hal sanno ah kadib. Kulanka hore ayaa lagu aasaasay siyaasadda arrimaha dibada oo qoraal ah