“Weftiga Cabdiraxmaan Cirro Kalama Hadal Doorashada Somaliland Iyo In Xisbi Guulaysto Laakiin Si Walaalnimo Leh Baanu U Wada Hadalnay,” Musharrax Farmaajo

0
422

“Weftiga Cabdiraxmaan Cirro Kalama Hadal Doorashada Somaliland Iyo In Xisbi Guulaysto Laakiin Si Walaalnimo Leh Baanu U Wada Hadalnay,” Musharrax Farmaajo

Waraysiga Lala Yeeshay Musharrax Farmaajo Oo Khilaaf Abuuray Iyo Wariyeyaasha Waraystay Oo Telefishanka Kalsan Shaqada Ka Eryay

Hargeysa(Warsugan) Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo u sharraxan jagada madaxweynaha Somalia ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu sheegay inuu Nayroobi kula qaatay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) guddoomiyaha xisbiga Waddani. Waxa uu sheegay inay si kooban uga wada hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa bulshada Somaliland iyo Somalia.

Farmaajo ayaa sidaas ku sheegay waraysi uu dhawaan Muqdisho ku siiyay telefishanka Kalsan laakiin, xisbiga Waddani ayaa beeniyay kulankaasi, waxaanay hordhicii waraysiga ku sheegeen been abuur. Sidoo kale war shalay ka soo baxay telefishanka Kalsan ayaa lagu sheegay in telefishanku raali gelin ka bixinayo waraysigaasi oo ay been abuur ama muuqaal la isu geegeeyay ku sheegeen. Telefishanku wuxuu sheegay inay madaxda Waddani, Farmaajo iyo bulshada dhibsatay ka raali gelinayaan hordhaca barmaamijka la baahiyay, sidoo kalena shaqada laga eryay wariyeyaasha waraysiga qaaday oo ahaa Cabdirisaaq Terra iyo Maxamed Yuusuf Bakayle laakiin, wariyeyaashan ayaa shalay galab baahiyay waraysiga oo dhammaystiran.
Mudane Farmaajo ayaa xaqiijiyay inay weftiga Waddani si kooban u arkeen, islamarkaana uu u sheegay in horumarka Soomaalidu ku jiro midnimada Somaliland iyo Soomaaliya “Weftigaa si kooban baanu u kulanay, runtii waxay sugayaan dawladda federalka ahi sida ay u dhaqanto,” ayuu yidhi Farmaajo.

Waxa kale oo uu sheegay inaanu kala hadal arrimo khuseeya doorashada Somaliland laakiin, ay si guud uga wada hadleen midnimo “Anigu siyaasadda Somaliland iyo doorashada kalama hadlin, isaguna(Cabdiraxmaan Cirro) doorashada Soomaaliya igalama hadlin laakiin, waxaanu u hadalnay si Soomaalinimo ah iyo guud ahaan xaaladda aan ku jirno iyo kala qaybsanaanta iyo faa’iidada ay midnimadu lahaan karto,”ayuu yidhi Farmaajo.

Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay inaanay arrimo badan isla sii lafo gurin “Intaanu fadhiisanay si qoto dheer umaanu jeex-jeexin laakiin, si kooban ayaanu isugu tuur-tuurnay in loo baahan yahay in dadkan Soomaaliyeed ee walaalaha ah la isugu soo dhaweeyo laakiin, doorashadooda, iyo inaan anigu door bidayo in xisbi ka guulaysto xisbiga kale baddaas maan gelin,” ayuu yidhi Farmaajo.

Farmaajo ayaa la waydiiyay in maaddaama ay labadooduba musharraxiin yihiin ay isla meel dhigeen qorshe ku saabsan wada shaqayn dhexmarta hadday xilka qabtaan waxaanu ku jawaabay “Dareenkaas(Midnimada) waanu wada qabnaa. Qof kasta oo Soomaali ah oo horumar iyo nabad u doonaya dadkiisa, waa ta siyaasiyiin iyo masuuliyiin loo yahay in laga hadlo laakiin, xaqiiqda jirta waxa weeye iyaguna hawl bay ku mashquulsan yihiin anna hawl kale ayay ku mashquulsan yihiin, markaa waxba ismaanu sii dhexgelin,” ayuu yidhi Farmaajo.

Hadalkan siyaasiga madaxnimada Soomaaliya u ordaya ka soo yeedhay ayaa ah mid ku ugub ah siyaasadda Somaliland.xisbiga Waddani ayaa muddooyinkii u dambeeyay Kulmiye ku eedaynayay wararka ku saabsan inay dhinaca Soomaaliya u janjeedhaan laakiin, Kulmiye ayaa sheegaya inaanay lug ku lahayn faafinta wararkaasi, waxaanay eedahan u isticmaaleen hab siyaasi ah, iyagoo bulshada ugu baaqay inay Waddani u fiirsadaan siyaasaddiisa.
Xigasho Wargeyska Warsugan