Xil Obama Oo La kulmay xubno Ka Mid Baarlamaanka Sweden Iyo Safiirka Kurdistan U fadhiya Sweden

0
397

Xil Obama Oo La kulmay xubno Ka Mid Baarlamaanka Sweden Iyo Safiirka Kurdistan U fadhiya Sweden

Sweden(Warsugannews) Guddida Ictiraaf raadinta Somaliland ee Sweden oo uu wehelinayo xildhibaan Mohamed Ali Hirsi ayaa kulamo la qaatay xubno tobaneeyo ah oo ka mid ah baarlamaanka Sweden. Xildhibaanka waxaa isna wehelinayay Ibraahim Ali Adan oo ah xog-haya Xisbiga Kulmiye ee Sweden.
Xildhibaan Mohamed Ali Hirsi ”Obama” oo booqasho ku jooga waddanka Sweden ayaa kulamo la yeeshay xubno ka mid ah BAARLAMAANKA SWEDEN. Kulamada oo ka dhacay aqalka looga arrimiyo Sweden ayaa waxay daaranayeen doodo lagu soo qaaday QADIYADA Somaliland oo imika in mudo ka socday barlamaanka Sweden. Xildhibaanka waxaa kulamada ku wehelinayay xubno ka mid ah Guddida Ictiraaf raadinta Sweden oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddidaas Mohamed Yusuf Bidhiih ”Badda”

Kulamada ayaa la isla soo qaaday, qadiyada Somaliland oo ay danaynayaan xubanahan baarlamanka iyo sidoo kale qodobo muhiim u Somaliland

Gudoomiyaha Guddida Ictiraaf raadinta Somaliland ee Sweden Mohamed Yusuf Bidhiidh Badda ayaa ka digay in la siyaasadeeyo qadiyada Jamhuuriyada Somaliland ee Ictiraaf raadinta, sidoo kale-na sheegay in muhiim tahay ummadu ay meel uga soo wada jeesato da’daalka loogu jiro in Somaliland ay rumayso in riyadeeda ah in ay noqoto QARAN MADAX-BANAAN.

Geesta kale, Xildhibaanka ayaa si balaadhan ugu mahadceliyay Guddida Ictiraaf raadinta Somailand ee Sweden. Sidoo kalena ku dhiiri geliyay in ay da’daalka halkaa ka si wadaan.
Guul iyo gobanimo

Sweden (Warsugan)Guddida Icitraaf raadinta Somaliland oo uu wehelinayo Xildhibaan Mohamed Ali Hirsi ayaa la kulmay safiirka Kurdistan ee Sweden. Kulanka oo ahaa mid rasmiahaa ka dhacay xarunta safaarada Kurdistan ee magaalada Stockholm. SafaaradaSweden ee Kurdistan ayaa xarunta ugu weyn ee ay ku leeyihiin Yurub.

Xildhibaan Obama ayaa ka sheekeeyay qadiyadaha ay wadaagaan labada dal eeSomaliland iyo Kurdistan, sidaa oo kalena soo dhaweeyay casuumada uu safiirka u fidiyay weftida metelayay Somaliland. Kulankaa waxaa xildhibaan wehelinayay Xog-haya GUUD ee Laanta Sweden ee xisbiga Kulmiye Ibraahim Ali ADAN

Kulanka oo ahaa mid aad loo soo agaamisay, oo in badan ay ka shaqaynayeenwakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jama Elmi iyo guddida ictiraaf raadintaSomaliland ee Sweden ayaa qaatay mudo labo sacadood ah. Kulanka ayaa lagagahadlay siyaasada ictiraaf raadinta oo ah mid ugu muhiimsan ee labadan waddanwadagaan, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday horumarka labada dal, dhiirigelintadimuqraadiyada iyo sidoo kale in ay wada shaqayn dhexmarto jaaliyadaha Somalilandiyo Kurdistan ee Sweden.

Geesta kale, asalkoodu yahay Kurdistan ee ku dhaqan Sweden ayaa ah 1% shacabkareer Sweden, sidoo kale boqolkiiba 2, dadka ugu awooda badan waddanka Swedenwaa Kurdi.

Si kastaba haahaate, kulanka ayaa noqonaya mid bud dhig u noqda xidhiidh diblumasiyadeed oodhexmara Somaliland iyo Kurdistan.
2

3

13493067_1061748663899666_1090981965_n

13511497_1061748413899691_510857357_n

13515400_1061748327233033_82088604_n (1)

13515400_1061748327233033_82088604_n

13521807_1061748203899712_1219195216_n

13522511_1061748610566338_591269363_n

a1